Diiwaan waa gundhiga waayaha dadka Soomaaliyeed. Diiwaan waa goob lagu keydiyo dhacdooyinka joogtada ah ee Soomaaliya maalinlaha uga dhaca. Diiwaan Waxaaa lagu ururiyaa dhacda walba oo mudan inay noqoto mid leh raad raac hore iyo mid danbeba.
Hadaba ma dooneysaa inaad Diiwaan geliso waayahaaga nololeed, kan dalkaaga iyo dadkaaga Soomaaliyeed. Ma dooneysaa inaad caawiso barnaamijkan muhiimka u ah bulshadeena. Ma heysaa wax taariikh mudan oo la Diiwaan geliyo.
Tusaale ahaan warar iyo dhacdooyin mudan in la Diiwaan geliyo sida dhacdadan hoose oo kale.
————————————————————————————————————————————————–
Ciidamo ka tirsan DFKS Ayaa u geystay gabar Soomaaliyeed tacadi aad u fool xun, arintan oo ay saxaafadu ka hadashay isla markaasna ay ciidamada amaanka soo qabteen ragii falkaas geystay.
Ciidamo lagu sheegay inay ka tirsanyihiin dawlada kmg ayaa fal waxashanimo ah u gaystay gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo magacaabo Boolo Cismaan Aadan , gabadhaan oo kunoolayd Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si naxariis dara ah Maalmo kahor u ciqaabay kooxo la sheegay in ay ka diiwaan gashanyihiin ciidamada dawlada Gobolka Banaadir fadhigooduna tahay Deegaanka Siigaale ee Magaalada Muqdosho.
Kooxahan aan naxariista lahayn ayaa haweeneed waxa ay u ciqaabeen si ka baxsan Bini’aadamka iyaga iyaga oona ku gubay bac ay dab iyo bansiin kushubeen oo ololeysa taas oo dhibaato xoog badan u geesatay gabadhan Soomaaliyeed ee ana wax galabsan.

Boolo Cismana oo ka hadashay falkan Naxariisarada ah ee lagula kacay ayaa sheegtay in ay kooxahan ay Aduunyada ku ciqaabeen oo ay ku naareen intii ana aaqiro la garain iyada oo sheegaty in aysan wax danbi ah u geesan.
Raga Falkan naxariisdara ah Gabdhaasi Soomaaliyeed u geestay oo tiradoda lagu sheegay ilaa sideed ayaa waxa agacanta kusoo dhigay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyadoona maanta la keenay Xarunta CID-da halkas ay kasocoto dacwadooda.
Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise oo kahadlay goobta lagu soo bandhigay raga Naxariis darada kula kacay Gbadha Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadda la hayo Sideed qofood oo ka mid ah dadkii geystay falkaasi foosha xun, wuxuuna intaa ku daray in sharciga la horkeeni doono.
Ragan ayaa sidoo kale la sheegay in Deegaanka Siigaale ay iyana nin iyo naga ay kaga gubeen xubnaha taranka oo dad badan ay naxtin iyo fajiciso kunoqotay.

Falalkan ceenkan ah ayaa mudooyinkii danbe ku yareed Magaa;ada Muqdisho iyadoona ay Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ay sheegaty in raga falkaan geestay ay ciqaabn mudan dona marka uu soo dhamaado baaritaanada.
magaalada muqdisho ayaa ah meesha ugu daran aduunka ee lagu dhibaateeyo xuquuda aadanaha kuwo nool iyo kuwo dhintayba.